Jilaa u dhalatay Turkiga oo iska soo tuurtay Dabaqa 15-aad

|

Jilaa u dhalatay Turkiga oo iska soo tuurtay Dabaqa 15-aad

Haweeneydaasi Jilaaga ahayd (الممثلة التركية) oo lagu magacaabi jirey Yonga Turkman( يونجا تركمان) ayaa la sheegay inay iska soo tuurtay Dabaqa 15-aad ee ay ka deganayd Dhismo ku yaalla Waddada lagu magacaabo Othman Gazi Pasha ee magaalladda Istanbul ee dalkaasi (في شارع عثمان غازي باشا في إسطنبول).

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Haweeneyda iska soo tuurtay Deedka ama Balakoonka xayndaabka Dhismihii ay deganayd (من شرفة منزلها).

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Haweeneyda arkeen iyadoo Hawada heehaabayso, ka hor intaysan dhulka ku soo dhicin.

Haweeneyda oo 47 jir ahayd ayaa geeriyootay, isla markii ay ku soo dhacday barxadda hoose ee Dhismaha Dabaqyada dheer ee ay iska soo tuurtay.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ay Haweeneydaasi isaga soo tuurtay Dabaqa 15-aad ee sababay geerideeda.

Dhinaca kale, Boliska Dembi-baarista ee Istanbul waxay bilaabeen Baaritaanka Kiiskaasi, iyagoo caddeeyey inay Yonga Turkman keli ku ahayd gurigeeda ay iska soo tuurtay

Wararka La Xiriira