Iran oo lagu daldalay Nin Ajnabi ah oo ka tirsanaa Daacish

|

Iran oo lagu daldalay Nin Ajnabi ah oo ka tirsanaa Daacish

Nin u dhashay dalka Uzbekistan ayaa Maanta lagu fuliyey Xukun Daldalaad ah, kadib, markii uu bishii April 5-dii ee ls soo dhaafay uu 3 qof ku dooxay magaalladda Mash-had ee dalkaasi, iyadoo ay 2 ka mid u geeriyoodeen dhaawacyadii.

Madaxa Waaxda Caddaalada ee Gobalka Khorassan Razavi ee dalkaasi waxa uu Maanta oo Isniin ah sheegay in la daldalay Eedeysanaha oo lagu magacaabo C/Ladiif Muradi oo 21 jir ahaa.

Xukunka Daldalaadiisa waxaa Oogtii hore ee saakayto uu ka dhacay gudaha Xabsiga lagu magacaabo Vakilabad Prison ee magaallada Mash-had ee dalkaasi.

Abdullatif Muradi oo 21-jir ahaa waxaa la sheegay inuu ka tirsanaa Kooxda Daacish ee ISIS ee ka dagaalanta dalka Afghanistan.

Wararka La Xiriira