Haraadiga Walxaha qarxa oo galaaftay nolosha caruur Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud

|

Guriceel (Radio Maanta) Ugu yaraan saddex caruur ah ayaa ku geeriyootay, halka labo kalena ay ku dhaawacmayna loo cararay cusbitaalka, kadib markii haraadiga walxaha qarxa oo ay ku cayaarayeen uu ku qarxay.

Caruurta oo ka wada tirsanaa hal qoys ayaa xabbad saban ah oo ay ku cayaarayeen ay ku qaraxday.  Caruurta geeriyootay ayaa ku noola xero qaxooti oo ku taala waqooyiga bari ee degmada Guriceel.

Ciidamada Booliska magaalada Guriceel oo tegay goobta masiibadu ka dhacday ayaa u xaqiijiyay arrintan warbaahinta gudaha.

Burburkii dowladdii militariga ahayd kadib, iyo dagaaladii sokeeye ee ka dambeeyay ayaa sababay in walxaha qarxa oo badan ku jiraan gudaha Soomaaliya, taasoo loo baahan yahay in dadku ka feejignaadaan.

Wararka La Xiriira