Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada oo sheegay in doorashada Golaha shacabka ku soo gebagebeyn doonaan inta sanadka ka harsan

|

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa  sheegay in doorashada Golaha Shacabka ay ku soo dhamaystiri doonaan inta ka harsan sanadkaan 2021.

“Waxaa meesha ka saaray in haba yaraatee aan la musuq maasuqi karin doorashada isla markaana beelaha ay u madax banaanyahiin inay soo doortaan kuraastooda dadka ugu matalayo GolahaShacabka”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Hadalka guddoomiyaha guddiga ayaa yimid kadib markii Raisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble uu faray inay doorashooyinka ku soo dhameystiraan inta ka harsan sanadka.

Dhowaan waxaa Muqdisho ka dhacday doorashada laba kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, waxaana la filayaa in dhawaan guud ahaan dalka ay ka dhacdo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Wararka La Xiriira