Guddiga doorashooyinka oo guddoonsiiyay 200 xildhibaan shahaadooyin

|

Muqdisho (Radio Maanta)  Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qoraal ay soo saareen waxey ku sheegeen in ay haatan shahaado siiyeen 200 xildhibaan oo golaha shacabka iyo aqalka sare, iyagoo tilmaamay in dalka doorasho uu aaday.

“Waxaan xirnay 200 oo Xildhibaan, isku darka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shahaado bixintu dardar bay ku socotaa, dhaarintuna waa dhawdahay. Dadweynoow doorashaa loo dareeray!” ayaa lagu yiri qoraalka.

Tani ayaa imaneysa xilli doorashooyinka dalka si dar dar leh ku socoto, loona madlan yahay in 14.4. ay xildhibaanada qaatay shahaadooyinka la dhaariyo.

Wararka La Xiriira