Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in todobaadka soo socda la qaban doono doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka hoose ee deegaan doorashadoodu tahay Maamul goboleedka K/Galbeed.
Kuraasta Golaha shacabka ee guddiga shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah: Hop# 182, Hop# 042, Hop# 041, Hop#103, Hop# 170, Hop# 171, Hop# 213, Hop# 180, Hop #154, Hop# 193, Hop# 189.
Kuraastan ayaa la filayaa in doorashadooda la qabto todobaadka soo socda sida uu sheegay guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed.