Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo agabkii doorashooyinka lagu qaban lahaa u kala diraya maamul goboleedyada

|

Muqdisho (Radio Maanta) Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FIET) ayaa agabkii Doorashada Gollaha Shacabka u diray qaar ka mid ah deegaanada dowlad goboleedyada dalka, taasoo hor dhac ah qabsoomidda golaha Shacabka oo lagu wado inay la soo gebgebeeyo dhamaadka Bisha soo socota ee Disember.

Guddiga ayaa agabkii ugu horeeyay maanta u diray maamul goboleedka Galmudug, Iyadoo maalinta berri ah agabka Doorashada loo kala diri doono Jubaland , Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabele.

Dirista agabka doorashada ayaa imaanaya xilli maanta magaalada Dhuusamareeb lagu soo gebagbeeyay doorashadii labadii kursi ee ka harsaneyd aqalka sare, taasoo soo afjartay doorashadii aqalka sare.

Wararka La Xiriira