Golaha Wadatashiga Qaranka oo caawa ka shiray dardargelinta doorashooyinka.

|

Muqdisho 11 November—Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay shir ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Kulanka oo diiradda lagu saaray dardargalinta doorashada Golaha Shacabka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo kala Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Gabagabadii kulanka ayaa la isku afgartay in si deg deg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo doorashooyinka Golaha Shacabka, laguna soo gabagabeeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.

Kulankan ayaa imaanaya xilli guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer federaal uu sheegay maanta oo Kahmiis ah in 24 bisha Disembar ay noqoto maalinta ugu dambeysay doorashada golaha shacabka soo gebagebeynayo.

Wararka La Xiriira