Golaha deegaanka Baraawe oo doortay hoggaan cusub

|

Golaha deegaanka Baraawe ah ayaa maalinimadii shalay doortay hoggaan cusub oo ka arrimin doona arrimaha magaalada Baraawe.

Golaha ayaa guddoomiye u doortay Dr. Liban Abukar Cismaan oo helay 18 cod, halka Cumar Sheekh Cabdi oo la tartamayay uu helay 7 cod. Sidoo kale goluhu waxa uu Cismaan Cabdullaahi iyo Sahra Abuukar u doortay guddoomiye ku xigeenno.

Golaha ayaa sidoo kale doortay 4 xubnood oo qaabilsan maamulka degmada iyo 1 masuul oo masuul ka noon doona arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Golaha deegaanka Baraawe ayaa ah golihii ugu horeeyay ee ay yeelato degmada Baraawe,  burburkii dowladdii militariga ahayd kadib.

Wararka La Xiriira