Golaha deegaanka Baraawe ah ayaa maalinimadii shalay doortay hoggaan cusub oo ka arrimin doona arrimaha magaalada Baraawe.
Golaha ayaa guddoomiye u doortay Dr. Liban Abukar Cismaan oo helay 18 cod, halka Cumar Sheekh Cabdi oo la tartamayay uu helay 7 cod. Sidoo kale goluhu waxa uu Cismaan Cabdullaahi iyo Sahra Abuukar u doortay guddoomiye ku xigeenno.
Golaha ayaa sidoo kale doortay 4 xubnood oo qaabilsan maamulka degmada iyo 1 masuul oo masuul ka noon doona arrimaha siyaasadda iyo amniga.
Golaha deegaanka Baraawe ayaa ah golihii ugu horeeyay ee ay yeelato degmada Baraawe, burburkii dowladdii militariga ahayd kadib.