Ganacsade Caddow Cali Gees oo shaaciyay in uu u taagan yahay Xilka Madaxweynaha JF Soomaaliya

|

Muqdisho – Ganacsade Cabdullahi Cali Axmed oo loo yaqaano Caddow Cali Gees ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u taagan yahay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Musharax madaxweyne Caddow Cali Gees oo ahaa ganacsade, siyaasi iyo waaya arag,   ahaana xildhibaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo horeyna isugu taagay xilkan ayaa sheegay in astaantiisu tahay shareecada Islaamka iyo Kitaabka Quraanka, uuna doonayo in uu dadlka iyo dadka ka samata bixiyo marxaladda adag ee uu ku jiro.
“Anigoo kaashanaya Allah Caza Wajal, Astaanteyduna tahay Shareecada Islaamka Iyo Kitaabka Qur’aanka, waxaan doonayaa in aan Dadkayga Iyo Dalkeyga ka samata bixiyo marxaladda adag ee maanta haysata,anigoo kaashanaya waaya aragnimada aan leeyahay, Kaalin weeyna kasoo qaatay dib u dhiska Dalkeena dhan Kasta” Musharax madaxweyne Caddow Cali Gees.
Ololaha musharax madaxwyene Cabdullahi Cali Axmed oo ololihiisa udub dhexaad uga dhigay  Nabad, Barwaaqo iyo hoggaamin la hubo ayaa ololihiisa si rasmi ah uga bilowday maanta magaalada Muqdisho.

Wararka La Xiriira