Gabadh soo saartay shanlo cusub oo dhiirogalin u noqotay dumarka Afrikaanka ah

|

Haweenay soo saartay shanlo cusub oo loogu talogalay timaha dumarka Afrikaanka ah ayaa doonaysa in dumarka da’da yar ee Afrikaanka in ay ku dhiirogaliso in galaan xirfadaha injineeriyadda,

“Waxaan jeclaan lahaa markii aan yaraa in ay wax I barto haweenay madoow ah” ayay tiri Yumna Maxamed, oo ku dhaqan magaalada Swansea ee UK.

Waxa ay dhowaan heshay aqoonsiga Akadeemiyadda Boqortooyada ee injineeriyadda, iyada oo laga caawinayo in ay sii horumariso wax soo saarkeeda shanlada.

Wax ka yar boqolkiiba 2% ee dadka ku jira xirfadda injineeriyadda ayaa ah dumarka kasoo jeeda dadyoowga laga tirada badanyahay ee Ingiriiska.

“Waxaan rabaa in aan qeyb ka noqdo isbadalka, si qofka da’da yar ee gadaashay dhasha ay u helaan meel ay ku dareemi karaan ka mid ahaanshiyo iyo aqlabaad dheeri ah” ayay tiri.

Waxa ay wadday waxbarashadeeda heerka ugu sareeya ee Phd-ga markii ay ku dhalatay fikradda shanlada caynkan ah, oo magaceedu yahay Nyfasi Deluxe Detangler. Taas oo jilcinaysa timaha Afraha ee dumarka madoow.

Intii ay wax baranaysay waxa ay lacagta waxbarashada kasoo saari jirtay shaqo dhanka adeegtonimada ah iyo haynta gabadh yar, taas oo marka la oyn jirtay xanuunka ay dareento marka timaha loo hagaajinayo.

“Markii dambe ayuu igu dhashay fikirkani ah in aan xal u keeno dhibaatada gabadha yar haysata” ayay tiri haweenaydan.

Markii ay soo saartay noocii tijaabada, ayay raadisay dumar madoow ah oo ay ku tijaabiso, taas oo markii dambe si wanaagsan u shaqaysay.

“Marka timaha la dhaqayo waa arrin aad u daran oo xanuun badan, balse markii qalabkan cusub ee shanlada ah aan ku tijaabiyayna waa ay wada jecleysteen” ayay tiri.

Keliya ma doonayso in tani ay u noqoto fikrad ganacsi, balse waxa kale oo ay sheegtay in ay rabto in ay noqoto qof tusaale wanaagsan u ah dumarka madoow.

Shanladan casriga ah ayaa timaha si fudud u kala furfureysa iyada oo aysan goynin qeyb tinta ka mid ah.

Yumna waxaa arrinkan ka caawiyay Prof Dylan Jones-Evans oo ka tirsan jaamacadda South Wales. Wuxuu rajaynayaa in dumar oo dadka laga badanyahay ay la yimaadaan fikrado waxtar leh.

Wararka La Xiriira