Dhowr qof oo lagu dilay Toogasho ka dhacday Maraykanka

|

Nin ku hubeysan Qori nooca darandooriga u dhaca ayaa waxa uu toogasho ku dilay 4 qof oo ku sugnaa Machadka Caafimaadka ee magaallada Tusla ee Gobalka Oklahoma ee dalkaasi.
Taliye-xigeenka Waaxda Boliska ee magaalladda Tusla, Eric Dalgleish waxa uu xaqiijiyey Toogashadaasi in lagu dilay 4 qof oo rayid ah iyo Ninkii weerarka heystay/
Ma cadda sababta uu Ninka hubeysan u geystay Toogashadaasi, waxayna Boliska bilaabeen Baaritaanka falakasi oo ku soo beegmay weerar kale oo 8 maalmood ka hor lagu dilay 19 arday iyo 2 macallin.

WQ Ustaad Nuradiin

Wararka La Xiriira