Deni oo Axmed Madoobe casho sharaf ugu sameeyay madaxtooyada Puntland

|

Garoowe: 18 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada kaga qeybgalay kulan Casho Sharaf ah oo loo sameeyay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan Garoowe.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda Puntland, Senatarada cusub ee dhowaan la doortay iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Wararka La Xiriira