Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir oo xiligan ka cabanaya Ciyaar weero.

|

Dadka ku nool degmada dharkeynley ee Gobolka Banaadir ayaa xiligan ka cabanaya ciyaar weero oo ay sheegeen in habeen iyo maalin isku isku mid ah ay dadka ugu dhacaan gudaha degmadaasi.

mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacada maanta ee muqdisho ayaa tilmaamay in ciidanka degmada ay ku fashilmeen wax ka qabashada falalka amni daro ee ka dhacaya degmadaasi islamrkaana dadka degmada ay dhowrr jeer oo horay maamulka ugu tageen balse aan wax laga qaban cabashadooda.

Maamulka gobolka banaadir laamanaha amniga iyo cid kasta oo wax ka qabankarta ciyaalkan weerada ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabtaan maadaama dhibato badan ay ka geystaan degmooyinka muqdisho qaarkood.

cabashadan kasoo yeertay dadka shacabka ah ee ku degmada dharkrynlay ayaa imaanaya xilli saacadihii lasoo dhaafay lasoo warinayay dhibaatada in ciyaaradu ay dhibaato kala duwan ay ka geysanayeen qeeybo ka mid ah muqdisho.

Wararka La Xiriira