Danjirayaasha UK iyo Mareykanka oo Shir jaraa’id oo ay kaga hadlayaan xaaladda dalka qabtay

|

Mogadishu, Somalia (Radio Maanta) Danjirayaasha Mareykanka iyo Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Colleen Crenwelge iyo Kate Foster, ayaa niyadjab ka muujiyay in la gaari waayey qoondada haweenka ee 30% doorashadii kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shir saxaafadeed wadajir ay u qabteen labada Danjire maanta, ayey kaga digeen in muranka ka taagan doorashada uu sababo colaad ka dhacda dalka, taasoo aanay dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ee jilicsan. “Waxaan soo jeedinaynaa in wixii cabasho ah oo jira loo maro hab wada-hadal iyo nabagelyo,” ayey tiri Colleen Crenwelge oo ah sii hayaha xilka Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya.

Waxay labada Danjire sheegeen in maamulka Villa Soomaaliya, Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo Midowga Musharixiinta ay kulamo la yeesheen ku wargeliyeen in la fogaado colaad iyo rabshad, oo danta dadweynaha laga hormariyo midda siyaasiyiinta.

SHURUUD KU XIRAN MAALGELINTA DOORASHADA

Labada Danjire waxay caddeeyeen inay iska diideen codsi maalgelinta doorashada oo ka yimid Dowladda Soomaaliya oo lagu dalbanayey $2.7, illaa la xaqiijiyo sida lacagtaasi loo isticmaalay iyo in lacagta diiwaan-gelinta musharrixiinta lagu shubo xisaabta mideysan ee Bangiga Dhexe, lana igaado halka ay ku bexeyso lacagtaasi.

“Waxaan caddeynay in lacag aanan ogaan karin halka ay ku bexeyso aanan bixin karin. Mas’uuliyad ayaa iga saaran ka danjire ahaan inaan la socdo oo aan isha ku hayo waxa lagu bixinaayo lacagta UK, waayo waa lacag ay bixiyeen dadka canshuur bixiyaasha Ingiriiska,” ayey tiri Kate Foster oo ah Danjiraha UK.

Waxay xuseen inay maqleen wararka sheegaya in musuqmaasuq uu hareeyay nidaamka doorashada ayna ka walaacsan yihiin habka aan daahfurneyn, ee aan loo dhameyn ee saameynta ku yeeshay hannaanka xulista xildhibaannada.

XILDHIBAANADA AL-SHABAAB KA IMANAYA

Mar aanu weydiinay waxa laga yeeli doono xubnaha la tuhunsan yahay inay al-Shabaab xiriir la leeyihiin ee laga yaabo inay doorashada soo galaan, ayey labada Danjire hoosta ka xariiqeen in daahfurnaanta doorashada, la socodka musharixiinta iyo xaqiijinta dadka tartamaya ay muhiim tahay, ayna tahay mas’uuliyad saaran Guddiyada Doorashada inay hubiyaan dadka kuraasta u tartamaya.

KAALINTA WARBAAHINTA

Labada Danjire waxay muujiyeen inay isha ku hayaan shaqada saxaafadda oo ay rumeysan yihiin inay tahay in kaalin wax-ku-ool ah laga siiyo hawlaha illaalinta iyo baaritaanka xadgudubyada iyo eedeymaha ku saabsan doorashada. Waxay sheegeen in saxaafadda xorta ah ay horseedi karto in musuqmaasuqa lala dagaalamo, lana iftiimiyo khaladaadka jira.

Wararka La Xiriira