Ciidamada Dowladda oo 5 ka tirsan Al-Shabaab ku dilay gobolka Bakool

|

Baydhabo (Radio Maanta) Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolka Bakool  ayaa ku dilay 5-ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo labo ka mid ah meydkooda ay soo qaadeen ciidamada xoogga, sida ay tebisay warbaahinta Dowladda.

Dagaalkan ku dhexmaray ciidamada dowladda, guutada 9-aad, qeybta 60-aad ee gobolka Bakool  iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka dhacay duleedka magaalada Xudur

Taliyaha guutada, 9-aad ee ciidamada xoogga dalka Cali Ibraahim Isaaq Habad ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab isku dayday in ay weerar ku soo qaato magaalada Xudur, kuwaas oo ciidamada ay kaga hortageen duleedka,islamarkaana halkaas ku dilay 5-ka tirsan maleeshiyada oo labo ka mid ah meydkooda ay soo qaadeen ciidamada xoogga.

Taliye Cali Xabad ayaa sheegay in cadowga jab xooggan la gaarsiiyay, wuxuuna tallaabadan ku tilmaamay mid loogu aargudayay shacab aan waxba galabsan oo nabad-diidka xoolihii ay wateen iyo igaba miino ay wadada u dhigeen ku baaba’ay.

Wararka La Xiriira