Ciidamada Booliska Guriceel oo toogasho ku dilay wiil dhallinyaro ah

|

Ciidamada Booliska magaalada Guriceel ayaa toogasho ku dilay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Faroole Diiriye Raage oo ka mid ahaa dhallinyarada ka xoogtata magaaladaas.

Wararka ka imaanaya magaaladaasi ayaa sheegaya in ciidamada boolisku ku toogteen wiilkan dhallinyarada bartamaha magaalada.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta loo dilay wiilkaas dhallinyarada ee ka mid ahaa dhallinyarada ka xoogsata magaaladaas.

Maamulka Galmudug ayaan illaa iyo hadda ka soo saarin wax war ah oo ku saabtan toogashada ciidamada boolisku ka geysteen magaalada Guriceel.

Waa markii ugu horeysay ee magaalada lagu dilo qof shacab tan iyo intii ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa maamulka Galmudug ay ku dhigeen magaalada.

Wararka La Xiriira