Ciidamada AMISOM oo qarax lagula eegtay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho

|

Qarax ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir, xiligaas oo ay meesha marayeen gawaari ay leeyihiin ciidamada Midowga Afrika.

Goobjoogayaal ayaa sheegay illaa iyo 2 ruux oo shacab ah ku dhinteen, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ku soo beegmaya xili ay magaalada Muqdisho kula kulmeen madax ka socotay Golaha amniga iyo nabadgelyada ee Midowga Afrika madaxda ugu sareeysa dalka.

Dowladda ayaan weli war ka soo saarin qaraxaas.

Wararka La Xiriira