Boqor Buurmadow oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho

|

Boqor Cismaan Ow-Maxamuud Buurmadow ayaa saaka lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Boqorka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Raisul Wasaare ku xigeenka Khadar Guuleed iyo masuuliyiin fara badan.

Boqor Buurmadow ayaa magaalada Muqdisho u yimid xulista ergooyinka dooraneysa Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Boqor Buurmadow oo dib uga mid noqday Odayaasha ee 135-ta ayaa bishii September door weyn ka qaatay xalintii khilaafkii u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxaana heshiis ka gaareen hannaanka doorashada xubnaha labada aqal ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somalilanda.

Imaanshaha Boqor Buurmadow ayaa muujineysa saameynta xoogga leh oo ay masuuliyiinta Somaliland ka yeelan doonaan hoggaanka soo socda ee Soomaaliya.

Wararka La Xiriira