Axmed Madoobe oo gaaray Garowe

|

Garowe (Radio Maanta) Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta gaaray magaalada Garowe, iyadoo garoonka diyaaradaha uu soo dhoweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Socdaalka Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu salka ku hayo sidii ay isaga iyo Madaxweyne Deni uga wada hadli lahaayeen suurtagalnimada sidii loo dedejin lahaa doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa ku dhawaaqay in doorashada baarlamaanka la soo gebagebeyn doono ka hor inta uu sanadka dhamaan, iyadoo beesha caalamkana ay cadaadis ku saarayaan dowladda in sida ugu dhakhsiyaha badan loo soo gebagebeeyo doorashooyinka.

Wararka La Xiriira