Askar ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika oo dad shacab ah ku dilay Shabeelada Hoose oo lagu xukumay dil toogasho ah

|

Kiis dacwadeed loo haystay Shan askeri oo AMISOM ka tirsan kuwaas oo lagu helay “in ay dad rayid ah ku dileen” deegaanka Golwayn ee Shabeellaha Hoose ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Maxkamadeynta ayaa  bilaabatay 5-tii bishan Maxkamadda AMISOM ee Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Bishii August ee sannadkan, waxaa lagu dilay dad shacab ah oo gaarayay toddobo qof oo, waxaana la sheegay in qaarkood lagu dul fadhiisiyay miino, ka dibna lagu qarxiyay.

Labo ka mid ah askartii la soo eedeeyay oo u dhashay Ugandha ayaa lagu xukumay dil, halka seddaxda kalena lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah.

Goobta xukunka uu ka dhacay waxaa joogay qaar ka mid ah ehellada dadkii rayidka ahaa ee la dilay, oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida uu xukunka u dhacay.

Afhayeenka Beeralleyda Gobolka Shabeellaha Hoose, Xuseen Cismaan Waasuge, oo ku sugnaa maxkamadda, kaas oo la hadlay BBC Soomaali wuxuu sheegay in “Maxkamadda maantaa la soo gebagebeeyay.”

“Waxaa Ugandha ka yimid (xubno ka tirsan) maxkamadda ciidamada. Jimcahii ayey billaabatay.
Laba maalmood waxaa hadlay dadkii ku caddeynayay dembiga. Anaga waa nalagu casuumay, waana dhageysaneynay”, ayuu yiri Xuseen.

“Xalano ayey maxkamadeynta ka dheceysay, laakiin anaga wax Soomaali oo qareen ah oo noo doodayay ma jirin. Marqaatiga nalaga dalbadayna waa hal wiil oo ninka beerta iskalahaa uu dhalay. Toddobo qof ayaa ku marqaati furay oo lix ka mid ah ay yihiin ciidanka Ugandha ee meesha joogay”.

“Ninkii kabtanka ahaa ee ciidanka watay waxaa lagu xukumay dil toogasho. Ninkii ku xigay ee watay unugga wax laayay, waxaa lagu xukumay dil toogasho. Ninkii maydka miinada dul saaray ee ku qarxiyayna waxaa lagu xukumay 39 sano oo xabsi ah”.

Labadii nin ee xabadda ku furtayna waxaa lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah”, ayuu yiri.

Wararka La Xiriira