AMISOM oo iskuul iyo goob caafimaad oo dhowaan la dhisay ku wareejisay maamulka Koonfur Galbeed

|

 Baydhabo :  Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Midowga Africa (AMISOM) ayaa ku wareejiyay maamulka Koonfur Galbeed school cusub oo dhowaan la dhisay iyo goob caafimaad oo ay la socdaan qeyb ay yaalaan qalabka caafimaadka.

Iskuulka iyo goobta caafimaadka ee Hooyada iyo Dhallaanka ayaa maamulka koonfur galbeed lagula wareejiyay xaflad si heer sare loo soo agaasimay.

Dr. Ododa ayaa ka socday AMISOM ayaa sheegay in goobaha waxbarashadu yihiin meelaha ay bulshadu ka hormarto, sidaas darteedna iskuulkani waxa uu fursad siin doonaa caruurta Soomaaliyeed inay aadaan iskuulka.

Xarunta caafimaadku waxay ka kooban tahay qeybo ka mid yihiin qolka xasilinta iyo qolalka tallaalka, goob kaydinta, tas-hiilaad dheeraad ah oo takhasus leh iyo fayadhowr, halka dugsigu ka kooban yahay shan qol oo fasal ah, meel carruurta ku habboon, xafiis iyo agab nadaafadeed.

Dhismaha iskuulka iyo goobta caafimaad oo ay AMISOM dhistay kuna wareejisay maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo ayaa imaanaya xilli dowladda Soomaaliya ay ka ceyrisay dalka ku xigeenka AMISOM Simon Mulonga oo ka soo jeeda dalka Uganda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaan uga qeybgeli doona magaalada Kampala shir looga hadli doono arrimaha Sudan iyo Itoobiya, balse ma cadda in Madaxweynaha Uganda ay isku soo qaadi doonaan arrinta ceyrinta Mr. Mulonga.

Wararka La Xiriira