Agaasimihii Radio Muqdisho oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

|

Muqdisho (Radio Maanta)  Allaha u naxariisto agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika  ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah, halka agaasimaha Telefishinka Qaranka SNTV  Shrmaarke Warsame uu ku dhaawacmay qaraxa.

Labada agaasime ayaa baabuurkooda ku jiray markii nin naftii halige ah uu isku qarxiyay goob u dhow maqaayadda City restaurant ee xaafadda Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Agaasime Cabdulcasiis Afrika ayaa u geeriyooday dhaawicii soo gaaray, halka Agaasime Sharmaarke dhaawiciisa lagu dabiibayo isbitaalka Madiina.

Cabdicasiis Afrika, wuxuu sidoo kale ahaa soo saarihii barnaamijka gungaar ee lagu wareysan jiray dagaalamayaasha Alshabaab ee dowladdu gacanta ku dhigto, wuxuuna bartilmaameed weyn u ahaa ururka Alshabab.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka Cabdulcasiis Afrika, iyagoo warbaahinta ku hadasha afkooda ku sheegay inay ugu aargudeen Xasan Xanafi oo ahaa weriye AlShabaab ah oo maxkamadda militariga Soomaaliya ku xukuntay dil toogasho ah.

 

Wararka La Xiriira