Abaaro ba’an oo ku dhuftay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya

|

Muqdisho (Radio Maanta) Abaaro aad u ba’an oo salka ku haya biyo la’aan iyo roobabkii deyrta oo aan weli ka curan goobo badan oo ka mid ah dalka ayaa keenay inay dhashaan abaaro saameeyay dadka iyo duunyada goboladaas ku nool.

Galgaduud,  Hiiraan, Gedo, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose, Galgaduud iyo Bakool ayaa ah goobaha ugu daran ee abaaraha xoogan ay ka jiraan xiligaan oo la sugayo roobka Deyrta.

Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Galmudug ayaa shirkoodii Khamiistii la soo dhaafay baaq u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii degdeg wax loogu qaban lahaa dadka ku dhaqan deegaannada Galmudug ee dhawaan biyo la’aanta baahsan ay soo food saartay.

Sidoo kale Gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa iyaguna ah gobolada aadka u saameeysay abaarta.

Roobka oo aan xilligiisa ku di’in, cimillada caalamka oo xumaatay iyo dhirta oo lajarayo ayaa loo aaneeyaa abaaraha soo noqnoqda ee ka jira Geeska Afrika.

Wararka La Xiriira