Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeybgalay Munaasabadda Sannad-guurada 3-aad ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed

|

Baydhabo:  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb-galay munaasabadda Sannad-guurada 3aad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey isku duubnida dadka reer Keenfur-galbeed iyo sida ay ugu mideysan yihiin horumarka iyo wax-wada qabsiga, isaga oo tilmaamay waxqabadka muuqda ee ay ku tallaabsadeen sanadihii la soo dhaafay.

“Tan iyo markii la ii magacaabay in dalka ka noqdo Ra’iisul Wasaare ,waxa aan si dhow u wada shaqeynay Madaxweyne C/casiis Lafta Gareen ,waxana aan ka bartay in aanu aheyn kaliya nin siyaasi, balse uu yahay Nabadoon jecel in uu dadka isku soo dhaweeyo si dalka uu horey ugu socdo , waa ku aamanayaa ,waanan ku dhiiri-galinayaa inuu sii wado dadaalkiisa.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ku ammaanay Madaxweyne C/casiis Lafta Gareen sida uu bilaabay doorashada, isla markaana uu ahmiyad u siiyay qoondada haweenka,maadaama tirada hadda ka soo baxday Golaha Shacabka ee Baydhabo oo ah 11 Xildhibaan ay afar ka mid ah yihiin haween.

“Sida aad la socotaan waxa dalka ka socda doorashooyinkii ,waxana afartii kursi ee ugu dambeysay ay manta soo baxeen. Doorashadaas cabashooyin kooban ayaa laga keenay ,waxana aad diyaar u ahay in aan xoogga saaro sidii loo raaci lahaa hab raacyada degsan ee doorashooyinka iyo inaan sidoo kale la fariisanno cid kasta oo tabasho qabta.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda iyo Bulshada Koonfur-galbeed uga mahad-celiyey soo dhaweynta diirran ee ay mar walba ku qaabilaan Madaxda dalka, isagoo xusay in ay tahay Dowlad-Goboleedka kaliya ee ay u suuragashay in uu booqdo labadooda deegaan doorasho ,Baraawe iyo Baydhaba tan iyo intii la bilaabay diyaarinta doorashooyinka.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay abaaraha ka jira dalka ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago gurmadka shacabka Soomaaliyeed.

“Dalka deegaano badan waxa ka jira abaaro saameeyay dadka iyo duunyada ,sidaa darteed waxa aan aniga ka faaideysanaya fursadan aan ugu baaqayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ,gudo iyo dibad iyo inta uu Eebe wax siiyay in ay soo caawiyaan walaalahood dhibaatada abaartu ay ku dhufatay. Dowladda Federaalka waxa ay dhankeedaa waddaa dadaallo gargaar lagu gaarsiinayo deegaanada u daran ee ay abaartu ku dhufatay”.

Wararka La Xiriira