5 kamid ah kuraasta gobolada waqooyi ee golaha shacabka oo Muqdisho lagu doortay

|

Shan kamid ah xildhibaanada gobolada Waqooyi ku meletalaya aqalka hoose baarlamaanka 11-aad, ayaa doorashadooda waxaa manta lagu doortay xarunta ciidanka booliska ee Jneraal Kaahiye, iyadoo amniga caasimadda manta si aad ah loo adkeeyay.

Kursigii u horeeyay oo sumadiisu eheyd Hope225, waxaa ku soo baxay wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye, isagoo helay 96 cod, halka musharixii la tartamayayna uu helay uu helay saddex cod, iyadoo labada cod ee kalana ay halaabeen

Kursiga 2aad ee HOP202 ayaa waxaa qorshuhu ahaa in ay ku tartamaan Aamino Cumar Jaamac iyo Aamino Cismaan Diiriye, hayeeshee Goobta doorashada ay kaga dhawaaqday Aamin Cismaan Diiriye in ay tanaasushay, waxana cod gacan tag ah 101 Ergo oo goobta ku sugnaa ay ugu codeeyeen Aamino Cumar Jaamac.

Kursiga Saddexaad ee HOP210 ayaa waxaa qorshuhu ahaa in ay ku tartamaan Faadumo Xasan Cali iyo Hoodo Cabdi Xaashi, balse kursiga ay ku guuleysatay Faadumo Xasan Cali kaddib markii ay u tanaasushay Hoodo Cabdi Xaashi.

Kursiga 4aad ee Hop#208 ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Haaruun Cabdullaahi iyo Axmed Cali Maxamuud, waxaana 99 Cod ku guuleystay Maxamed Haaruun Cabdullaahi, halka musharrixii la tartamayayuusan helin wax cod ah, waxaana afartii sano ee la soo dhaafay kursigaan ku fadhiyay Xildhibaan Jamaal Xasan Ismaaciil.

Kursiga ugu dambeeya ee doorashada Maanta ee Shanaad ayaa waxaa ku tartamay Axmed Cismaaan Diiriye iyo Dayib Cabduqaadir Jaamac, waxaana ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#233 ee golaha shacabka Axmed Cismaaan Diiriye.

Doorashooyinka dhacay maanta waxa ay ka dhigeysaa in ilaa iyo haatan ay dooran yihiin 7 xildhibaan, waxaana harsan 268, maadaama xildhibaanada golaha shacabka ay ka kooban yihiin 275 mudane.

Xigasho: Mareegta Jowhar Online

Wararka La Xiriira