16-ka kursi ee taala magaalada Garbahaareey oo loo wareejiyay degmada Ceelwaaq

|

16-ka kursi ee  taalay magaalada Garbahaarey ee deegaan doorashada Labaad  ee Jubaland ayaa loo wareejiyay degmada Ceelwaaq.

Qoraal ka soo baxay guddiga oo loo diray SEIT Jubaland ayaa lagu sheegay in doorashada kuraastaasi lagu qabanayo degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaasoo ah deegaanka kaliya ee Jubaland ka maamusho gobolka Gedo.

“Markuu guddiga garwaaqsaday inaysan suuragalahayn inay doorasho ka dhacdo magaalada Garbahaareey waxaa lagama maarmaan u noqotay in meel kale oo dadka u dhaxeyso amnigeeduna sugan yahay la helo. Guddigu waxaa uu go’aamiyey in doorashada garbahaareey laga bedelo laguna bedelo in doorashada lagu qabto Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka

Wararka La Xiriira