Sacuudiga oo safaaradiisii Muqdisho dib u furaya

|

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay dib u fureyso safaaraddii Boqortooyada Sacuudiga ku lahayd magaalada Muqdisho.

Wasaaraddu Arrimaha dibadda ee boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in ay ka mahadcelineyso dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto fududeynta furitaanka safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Muqdisho, taasoo xaqiijineysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal.

Waxayna intaas ku dartay inay rajaynayso xoojinta iskaashiga Sucuudiga iyo Soomaaliya si loo gaaro kobac iyo barwaaqo badan labada dal iyo dadkooda.

Furitaanka Safaaradda Sacuudiga ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmeyso xilli dalku ku jiro doorashooyin, iyadoo doorashooyinka Aqalka hoose ay ka bilaabanayaan maamul goboleedyada dalka qaarkood.

 

Wararka La Xiriira