Qaraxyo is xigay oo gilgilay magaalada Kampala ee Xarunta Dalka Uganda

|

Warbaahinta dalka Uganda ayaa ku warameysa in labo qarax oo waaweyn oo is xigxigay ay ka dhaceen magaalada Kampala, taas oo keentay qasaaro nafeed iyo mid hantiyeed.

Qaraxa koowaad ayaa waxa uu ka dhacay waddada tagta Baarlamaanka dalkaas, halka qaraxa kalena uu ka dhacay meel u dhow saldhigga dhexe ee booliska.

Illaa iyo hadda ma cadda inta qof ee ku dhimatay.

Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Uganda ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen. Sawiro baabuur gubaneysa oo ah mid ka mid ah goobaha qaraxa ka dhacay ayaa lagu arkayay baraha bulshada.

Kooxda gurmadka deg degga ayaa dhaawacyadii iyo dadkii ku geeriyooday u qaaday isbitaalada.

Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkala socodsiin doonaa

Wararka La Xiriira