Qaar ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobey oo lagu xirxiray magaalada Addis Ababa,

|

 

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa  lagu xirxiray 16 ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobey, xilli dowladda Itoobiya lagu eedeynayo inay bartilmaameedsaneyso dadka asalkoodu yahay Tigreega.’

Afhayeenka Qaramada Stephane Dujarric ayaa warfidiyeeno ugu sheegay magaalada New York inay kala shaqeynayaan dowladda Itoobiya sidii loo sii deyn lahaa shaqaalahooda.

Balse afhayeenku waa uu ka gaabsaday arrinta ku saabsan baacsiga lagu hayo dadka asalkoodu ka soo jeedo Tigreega.

Guddoomiyaha guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya Daniel Bekele ayaa u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee Reuters inay jiraan wararka sheegayo in la xirxiray dad waayeel, caruur iyo haween asalkoodu yahay Tigreey.

Jabhadda Tigreega ayaa dagaal hubeysan kula jirta dowladda Itoobiya, iyadoo wararku sheegayaan in jabhadda Tigreega iyo kuwa Oromada ay ku soo dhowaadeen magaalada Addis Ababa.

Wararka La Xiriira