Muwaadiniinta reer Galbeedka oo ka cararaya Itoobiya iyo Abiy Ahmed oo la sheegay in uu gaaray jidda hore ee dagaalka

|

Jarmalka ayaa ku booriyay muwaadiniintiisa Talaadada inay uga baxaan Itoobiya duullimaadyada ugu horreeyay ee ganacsi ee la heli karo, iyagoo ku biiraya Faransiiska iyo Mareykanka oo sidoo kale u sheegay muwaadiniintooda inay si degdeg ah u baxaan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in muwaadiniinta Jarmalku ay socdal ku mari karaan garoonka caalamiga ah ee Bole ee Addis Ababa.

Dalal ay Canada ka mid tahay ayaa iyaganu toddobaadkii hore ugu baaqay inay muwaadiniintoodu si deg deg ah uga baxaan Itoobiya.

Qararmada Midoobay ayaa iyana Taladaadii sheegtay inay boqolllaal ka mid ah qoysaska shaqaalahooda in laga soo rari doono Itoobiyaa.

Warkan ayaa imaanaya xilli raisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed lagu soo waramayo in uu gaaray jiidda hore ee dagaalka si uu u hogaamiyo dagaalka.

Wararka La Xiriira