Itoobiya oo sheegtay in Shaqaalaha Qaramada ay sharciga jebiyeen

|

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ay la sharciga la tiigsan doonaan haddii ay sharciga jebiyaan.

Hadalka dowladda Itoobiya ayaa yimid kadib markii uu Qaramada Midoobey sheegtay in tiro ka mid ah shaqaalaheeda lagu xirxiray dalka Itoobiya.

”Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ku nool dalka Itoobiya waa inay sharciga dhowraan” Dina Mufti , Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa warfidiyeeno ugu sheegay magaalada Addis Ababa,  isagoo sii raaciyay inay ku nool Itoobiya oo ay hawada sare ku nooleyn.

Dina Mufti ayaa hadalkiisa sii raaciyay in Haddii ay yihiin Qaramada Midoobey ama Midowga Afrika, cidii dembi gasho, sharciga ayaan la tiigsan doonaa.

Dowladda Itoobiya ayaa xaalad deg degga ah gelisay dalka 2 bishan, iyadoo ciidamada jabhadda Tigray iyo Oromada ay ku sii siqayaan caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa.

Wararka La Xiriira