Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo cusbooneysiiyay cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya

|

New York (Radio Maanta) Golaha Ammaanka ee Qaramkada Midoobey ayaa muddo sanad ah ku daray cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya saarneyd, cunaqabateyntaas oo saarnaan doonta Soomaaliya ilaa laga gaarayo 15 Nofembar, 2022.

Qaraarka balaarinta cunaqabateynta Soomaaliya ayaa waxaa u codeeyay 13 dal, halka labo dal ay ka aamuseen (Ruushka iyo Shiinaha), waxaana goluhu dib u cusboonaysiiyay qodobbada ku qeexan cutubka 15 ee qaraarka 2182 (2014) ilaa 15 November 2022.

Qaraarkan ayaa u faxaya Dawladaha xubnaha Qaramada Midoobey inay kormeeraan maraakiibta ku sugan badda Soomaaliya oo ay ku jiraan badda Carabta iyo Gacanka Beershiya.  Baaristan ayaa ah in Goluhu aaminsan yahay in ay jiraan maraakiib sidda dhuxul ama hub ama qalab milatari, oo ay ku jiraan qaybaha walxaha qarxa.

Golaha Ammaanka ayaa qaraarkan ku xusay in xayiraadda hubka aysan khuseyn Hubka, Qalabka Milliteriga, Talooyinka Farsamo, Dhaqaale iyo kuwa kale ee la xiriira Hawlaha Milliteriga ee loogu talagalay oo keliya horumarinta Ciiddanka Ammaanka Qaranka Somalia.

Qodobbada kale ee qoraalka Golaha ammaanka lagu xusay ayaa waxaa ka mid ah in Goluhu, ku celceliyay in waxa ay ugu yeereen  argagixisada Al-Shabaab iyo dhaqdhaqaaqyada kale ay saameyn xun ku leeyihiin Soomaaliya iyo gobolka, waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la beegsado dhaqaalaha kooxda, wanaajinta wacyiga badda, ka hortagga dakhli soo saarka sharci darrada ah, oo ay ku jiraan iibinta dhuxusha, iyo in la yareeyo qatarta ka dhalan karta walxaha qarxa.

Dhinaca dhismaha dowlad goboleedyada iyo nabadeynta, Goluhu wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka ah, iyadoo la kaashaneysa dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, in ay dardar geliyaan hirgelinta dhismaha Amniga Qaranka iyo Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.

Warbixinta Golaha Ammaanka oo dhameystiran, halkan ka akhriso

Wararka La Xiriira