Dowladda Myanmar oo xabsiga ka sii deysay weriye Mareykan ah oo 11 sano ah ay ku xukuntay

|

Dowladda Myanmar ayaa sii deysay saxafi Mareykan ah oo saddex maalin ka hor ay ku xukuntay 11 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay in uu jebiyay sharciga socdaalka waddankaas iyo isagoo lagu eedeeyay falal argagixiso.

Saxafiga oo lagu magacaabo Danny Fenster ayaa horey ugu shaqeyn jiray majalad lagu magacaabo Frontier Myanmar oo ka soo bixi jirtay waddankaas.

Sii deynta weriyaha ayaa waxaa sii deyntiisa iska kaashaday majaladii uu u shaqeynayay iyo diblumaasi hore oo Mareykanka ah oo lagu magacaabo Bill Richardson isagoo sheegay in weriyaha sida ugu dhakhsiyaha badan loogu celin doono Mareykanka.

Dalka Myanmar ayaa  hadda gacanta ugu jira ciidamada Milateriga waddankaas oo xirxiray dhamaan siyaasiyiinta mucaaradka, mudahaaraad iyo saxafiyiin badan.

Wararka La Xiriira