Sunday, September 26, 2021
 

Wararka

Weriye Hodon Naleye muxuu ahaa hamigeedii ugu weynaa kahor inta aysan ku geeriyoon qaraxii Kismaayo ka dhacay?

0 Visits: 905 | Saturday July 13, 2019 - 15:22:55
Allaha u naxariistee Weriye Hodon Naleye ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaana qaraxaasi kula geeriyooday seygeeda iyo tiro kale oo dad ah.

Read More »

RW Kheyre oo balan qaad cusub u sameeyay dhallinyarada Gaalkacyo

0 Visits: 334 | Wednesday July 10, 2019 - 09:58:30
Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo galabta dhallinyarada kula jimicsaday waqtina kula qaatay garoonka kubbaadda Cagta Cabdullaahi Ciise, ayaa ka xog-wareystay caqabadaha haysta iyo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan dhalliyarada ku nool deegaanka.

Read More »

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah fulisay

0 Visits: 345 | Wednesday July 10, 2019 - 09:27:24
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukun dil ah ku filay Saddex ruux, kuwaasi oo la sheegay ineyka dambeeyeen weerarkii ka dhacay Hotelka Naasa-hablood2 28,Oct sanadkii 2017.

Read More »

Dowladaha Soomaaliya & Turkiga oo kala saxiixday Heshiis Cusub

0 Visits: 372 | Tuesday July 09, 2019 - 13:22:44
Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Magalada Ankara ee Wadankaasi Turkiga ku kala saxiixday heshiis,waxaana dowladda Soomaaliya u saxiixay safirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Ceydiid halka dowladda Turkiga uu u saxiixay mas'uul ka tirsan Wasaarada Maaliyadda iyo lacagta…

Read More »

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo

0 Visits: 349 | Monday July 08, 2019 - 18:47:55
Galmudug, Gaalkacyo, Isniin, July 08, 2019—Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah uga soo baxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug oo dhawaanahaan uu ku sugnaa ayaa galabta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Read More »

Maxkamada Hargeysa oo xukun ku ridey weriye Cabdimaalik Coldoon

0 Visits: 398 | Monday July 08, 2019 - 18:36:40
Maxkamadda magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa waxa ay maanta xukun ku riday Weriye Cabdi-Maalik Muuse Coldoon oo in ka badan Sedax bilood ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Hargeysa.

Read More »

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal oo gaaray magaalada Xudur (Sawiro)

0 Visits: 344 | Monday July 08, 2019 - 18:28:46
Wafdi uu hoggaaminayo, Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya , Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool.

Read More »

Mareykanka oo dib bilaabay taageeradii uu siin jiray Ciidanka Dowladda

0 Visits: 363 | Tuesday July 02, 2019 - 17:58:20
War ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa looga hadlay taageeradii ay siin jirtay qeyb kamid ah ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,taasi oo la hakiyay bishii December 2017.

Read More »

Madaxweyne Xaaf oo kulamo ka bilaabay Muqdisho

0 Visits: 354 | Tuesday July 02, 2019 - 17:56:03
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf oo ku sugan Magalada Muqdisho ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

Read More »

Ra'iisul Wasaare Kheyre oo gaaray degmada Guriceel

0 Visits: 377 | Tuesday July 02, 2019 - 17:54:04
Wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow waxaa ay safar dhinaca dhulka ah ku tageen Degmada Guriceel oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Read More »

Soomaaliland oo joojisay Shir looga hadli lahaa Arrimaha Soomaaliya

0 Visits: 433 | Tuesday July 02, 2019 - 17:52:12
Maamulka Soomaaliland ayaa joojiyay kulan lagu qaban lahaa Magalada Hargeysa kaas oo qeyb ka ahaa mashruuca SSF (Somalia Stability Fund) oo ah Sanduuqa xasilinta Soomaaliya,kaas oo hoostaga Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya

Read More »

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Wakiilka IGAD ee Somalia

0 Visits: 358 | Tuesday July 02, 2019 - 17:50:48
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya Maxamed Guyo ayaa manta ku kulmay Magaalada Muqdisho.

Read More »

Sida Ra'iisul Wasaare Kheyre loogu soo dhaweeyay Guriceel

0 Visits: 366 | Tuesday July 02, 2019 - 17:45:21
Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Gurigeel ee gobalka Galguduud.

Read More »

Xaaf oo Muqdisho soo gaaray mudo ka dib

0 Visits: 390 | Sunday June 30, 2019 - 18:35:54
Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho,waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan DFS .

Read More »

Meydka Ganacsade Soomaaliyeed Oo Laga Helay Koonfur Afrika

0 Visits: 392 | Sunday June 30, 2019 - 14:56:11
Meyd la rumeysan yihiin inuu ahaa Ganacsade Soomaaliyeed oo la oran jirey Maxamed C/llaahi Xasan ayaa waxaa laga soo saaray dhul-kaymeed u dhow degaanka Bakenberg oo u dhow Degmadda Mahwelereng ee Gobalka Limpopo ee dalkaasi.

Read More »

Maxkamada Gobolka Nugaal oo Go'aan ka gaartay Kiiskii Caaisho Ilyaas

0 Visits: 360 | Sunday June 30, 2019 - 14:43:16
Maxkamada Racfanka Gobolka Nugaal Puntland ayaa saakay markale u fariisatay dacwada kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee sandkaan gudihiisa Magalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug loogu geystay Caaisho ilyaas Aadan oo aheyd Gabar 12 jir ah.

Read More »

Koofur Galbeed iyo Galmudug oo ka wada hadlay dilalkii Gaalkacyo & Dhuusamareeb

0 Visits: 358 | Sunday June 30, 2019 - 14:39:19
Laba Guddi ee ka kala socda Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maanta kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Magaaladaasi.

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Salaada Janaasada ee Marxuum Qanyare

0 Visits: 348 | Sunday June 30, 2019 - 14:35:09
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Qanyare Afrax oo shalay ku geeriyooday Magalada Muqdisho.

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Xariga ka jaray labo Wado oo dib loo dhisay

0 Visits: 344 | Sunday June 30, 2019 - 14:31:23
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo laami ah oo isku xirta degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, taas oo loogu magac daray Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde.

Read More »

Dowladda Somalia oo lagu wareejiyay Gaadiid dagaal & Ciidan

0 Visits: 338 | Sunday June 30, 2019 - 14:27:09
Bulshada Xeraale ee gobalka Galguduud ayaa hub, gaadiid dagaal iyo ciidamo ay si gaar ah gacanta ugu hayeen ku wareejiyay Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo shalay socdaal shaqo ku tegay Xeraale.

Read More »

Site Designed & Developed by ILEYS INC.