Saturday, October 24, 2020

Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare oo ka hadlay coleed beeleedyada ka jira Hiiraan iyo Galgaduud+Sawirro

0
Sunday December 30, 2018 - 00:36:14 in Wararka by
  • Visits: 382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare oo ka hadlay coleed beeleedyada ka jira Hiiraan iyo Galgaduud+Sawirro

    Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta shirguddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta shirguddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha.


Kulanka maanta ee guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay joojinta dagaal beeleedyada ka socda qaar ka mid ah Gobolada dalka.

Geba-gebada kulanka ayaa waxaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii looga hadlay ku-xigeenka xoghayaha Golaha Aqalka sare Axmed Yuusuf.

Wuxuuna sheegay iney muhiim tahay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada ka dhacaya deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud iyo deegaano hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Senator Maxamed Cismaan Dhagajuun iyo Senator Jawaahir Axmed Cilmi ayaa odayaasha dhaqanka Madaxda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ugu baaqay iney ka qeyb qaataan nabadeynta beelaha walaalaha ee diriraya.

Dowladda Federaalka ayaa wafdi ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano u dirtay deegaanada ay ka jiraan colaad beeleedyada si ay joojiyaan dagaalada,nabadna u kala dhex dhigaan dhinacyada dagaalamaya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.