
Shaqooyinka Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug oo billaawday
Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Baadiyoow) ayaa sheegay in Afartii maalmood ee la soo dhaafay ay qabteen Shaqooyin adag,isla markaan aay go’aamiyeen in shirkaasi uu furmo horaanta Bisha Agoosto ee soo socota.
Waxa uu sheegay in shirkaasi ay ka qeyb geli doonaan 356 Ergo oo Dhammaan Matalaya Beelaha Galmudug,isla markaana shirka dib u heshiisiinta Galmudug diirada kagu saari doono dib u heshiisiin Siyaasadeed maadaama dadka Reer Galmudug qaarkood siyaasada isku khilaafsan yihiin.
Isaga oo wareysi siinayay Idaacadda Voa-da ayaa waxaa wax laga weeydiiyay Beeelaha qaar oo qaadacay ka qeyb galka shirka ayuu sheegay in guddigooda uu isku dayayo inay beelaha qanciyaan,waxaana uu ugu baaqay inay shirkasi kasoo qeyb galaan si ay u xaliyaan mad madowga jira.