Monday, November 18, 2019

Shirkadda Batroolka Qatar oo heshiis la gashay Shirkado Shidaal baaris ka wada Xeebaha Kenya

0
Wednesday July 24, 2019 - 12:37:03 in Wararka by
  • Visits: 102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Batroolka Qatar oo heshiis la gashay Shirkado Shidaal baaris ka wada Xeebaha Kenya

    Shirkadda Shidaalka Dowladda Qatar ee Qatar Petroleum ayaa shaacisay inay heshiis Cuusb la gashay Shirkadaha Shidaalka Eni iyo Total oo howlo Shidaal baaris ah ka wada Saddex Baloog oo ku yaalla Xeebaha dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Shidaalka Dowladda Qatar ee Qatar Petroleum ayaa shaacisay inay heshiis Cuusb la gashay Shirkadaha Shidaalka Eni iyo Total oo howlo Shidaal baaris ah ka wada Saddex Baloog oo ku yaalla Xeebaha dalka Kenya.


Qoraal lagu shaaciyay Barta Twitter-ka ee Shirkadda Qatar Petroleum ayaa lagu sheegay in Shirkadaha Eni iyo Total saami ahaan ka heshay Shirkaddu ( 11.25% Shirkadda Total, halka 13.75% Shirkadda Eni),waxaana Saddexda Baloog ay shirkadu heshiiska ku gashay ay yihin  L11A, L11B iyo L12.

Dowladda Qatar ayaa saaxiib dhow la ah Madaxda Dowladda Federaalka,waxaana xusid mudan in shirkadda Eni oo laga leeyahay dalka Talyaaniga horay loogu eedeeyay inay howlo baaris ah ka wado dhul badeedka Soomaaliya oo ay Kenya muranka gelineyso.

Dad badan ayaa su’aal gelinaya heshiiska Shirkadda Shidaalka Dowladda Qatar ee Qatar Petroleum ay la gashay labada shirkadood  ee Eni iyo Total,kuwaas oo shidaal baaris ka wada Xeebaha dalka Kenya,maadaama uu weli jiro khilaafka dhinaca muran badeedka ah ee ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.