Tuesday, October 15, 2019

Duqeyn ka dhacday Shabeellaha Hoose & faah faahin laga helayo

0
Friday July 19, 2019 - 15:44:29 in Wararka by
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeyn ka dhacday Shabeellaha Hoose & faah faahin laga helayo

    Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday degaano ka tirsan Gobolkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday degaano ka tirsan Gobolkaas.


Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in duqeynta lala beegsaday Gaari ay wateen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,xilli uu marayay duleedka deegaanka Kunya-Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada DANAB ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Afar Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo laba ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil iyo qaar ka mid ah ilaaladooda.

Weli macada cidda fulisay duqeyntaas,hayeeshee waxaa inta badan duqeymo dhinaca cirka ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka fuliya diyaaradaha Mareykanka ee taageerada siiya Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Si kastaba Al-Shabaab dhankooda weli wax war ah kama soo saarin duqeynta lagula beegsaday Xubno ka tirsan deegaano ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.