Thursday, September 19, 2019

RW Kheyre oo balan qaad cusub u sameeyay dhallinyarada Gaalkacyo

0
Wednesday July 10, 2019 - 09:58:30 in Wararka by
  • Visits: 25
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Kheyre oo balan qaad cusub u sameeyay dhallinyarada Gaalkacyo

    Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo galabta dhallinyarada kula jimicsaday waqtina kula qaatay garoonka kubbaadda Cagta Cabdullaahi Ciise, ayaa ka xog-wareystay caqabadaha haysta iyo baahiyaha gaarka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo galabta dhallinyarada kula jimicsaday waqtina kula qaatay garoonka kubbaadda Cagta Cabdullaahi Ciise, ayaa ka xog-wareystay caqabadaha haysta iyo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan dhalliyarada ku nool deegaanka.

Dhallinyada ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay inay u baahanyihiin in horumarin lagu sameeyo garoonka si dhallinyarada leh hibada iyo hammiga sare ee ciyaaraha ay u helaan fursad wanaagan, korna loogu qaado isdhexgalka bulshada.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay dhallinyaro uu la kulmay u ballan qaaday qorshaha dowladda eek a qeyb qaadashada dhismaha garoonka ayaa mar kale ku celiyay in dowladdu ay ka qayb qaadaneyso dhismaha garoonka kubadda ee loogu magac daray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Ciise oo kamid ahaa dhallinyaradii SYL ee dhaliyay xornimada dalka.

Dhismaha garoonka ayuu Ra’iisul wasaaruhu sheegay in dowladdu ku bixinayso $150,000 si uu u noqdo garoon ku habboon in dhallinyaradu ku ciyaaraan kubbadda cagta.

 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.