Monday, July 22, 2019

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah fulisay

0
Wednesday July 10, 2019 - 09:27:24 in Wararka by Mowliid Karaama
  • Visits: 9
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah fulisay

    Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukun dil ah ku filay Saddex ruux, kuwaasi oo la sheegay ineyka dambeeyeen weerarkii ka dhacay Hotelka Naasa-hablood2 28,Oct sanadkii 2017.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukun dil ah ku filay Saddex ruux, kuwaasi oo la sheegay ineyka dambeeyeen weerarkii ka dhacay Hotelka Naasa-hablood2 28,Oct sanadkii 2017.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu yiri:

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa xukun dil ah ku fulisay 3 dhagarqabayaal ah,kuwaasi oo ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Naasa-Hablood2 ee magaalada Muqdisho,28,Oct sanadkii 2017,kaasi oo khasaare dhaliyay.

Hadaba halkan ka akhriso: Habka uu u dhacay dilkaasi toogashada ah iyo go’aanka maxakamadda.

Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:-

1-Farxaan Maxamed Samatarina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud.

2-C/naasir Dhaqane Xasanina Xabiibo Max’ud ku dhashay Gedo

3-Abshir Max’ed Xaaji Buuleina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow,kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale.

Taariikhdu ahayd30/05/2018waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo Taariikhdu markay ahayd 28/10/2017.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.