Thursday, September 19, 2019

Dowladaha Soomaaliya & Turkiga oo kala saxiixday Heshiis Cusub

0
Tuesday July 09, 2019 - 13:22:44 in Wararka by
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladaha Soomaaliya & Turkiga oo kala saxiixday Heshiis Cusub

    Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Magalada Ankara ee Wadankaasi Turkiga ku kala saxiixday heshiis,waxaana dowladda Soomaaliya u saxiixay safirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Ceydiid halka dowladda Turkiga uu u saxiixay ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Magalada Ankara ee Wadankaasi Turkiga ku kala saxiixday heshiis,waxaana dowladda Soomaaliya u saxiixay safirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Ceydiid halka dowladda Turkiga uu u saxiixay mas'uul ka tirsan Wasaarada Maaliyadda iyo lacagta Turkiga.

Heshiiska ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo turkiga ayaa ku saabsan dhanka dhaqaalaha ,waxaana dowladda Turkiga ay sanadka kasta lacago ku kabeysaa Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalke Beyle ayaa bogaadiyay Heshiiskaas,isaga oo dowladda Turkiga uga mahad celiyay sida ay mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya.

"Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Shacabka iyo Dowladda Turkiga oo mar-waliba Taageero la garab taagan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.Dowladda Turkigu waxay balan qaaday taageerada Miisaaniyadeed ee Dalkeena oo joogta ah ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya,waxaana la xasuustaa gurmadkii weynaa oo ay Shacabka Soomaaliyeed u fidisay Sanadkii 2011-kii xilligaas oo dalka ay ka jirtay abaar ballaaran.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.