Saturday, August 24, 2019

Erdogan Oo Si Kulul U Cambaareeyay Dilka Wariye Jamal Khashoggi Isagoo Fariin Adag U Diray Dowladda Sacuudiga

0
Monday October 08, 2018 - 13:19:01 in Caalamka by Radio Maanta
  • Visits: 1449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Erdogan Oo Si Kulul U Cambaareeyay Dilka Wariye Jamal Khashoggi Isagoo Fariin Adag U Diray Dowladda Sacuudiga

    Mr Erdogan ayaa sheegay in uu asago shakhsi ahaan isha ku hayn doono baadhitaanka lagu hayo arrintan, uuna dunida ku wargalin doono wixii kasoo baxa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mr Erdogan ayaa sheegay in uu asago shakhsi ahaan isha ku hayn doono baadhitaanka lagu hayo arrintan, uuna dunida ku wargalin doono wixii kasoo baxa.
Jamal Khashoggi ayaa aaday qunsuliyadda uu dalkiisu ku leeyahay Istanbul talaadadii lasoo dhaafay si uu uga soo qaato warqado la xidhiidha arooskiisa oo dhici lahaa.

Baadhitaanka Turkiga ee hordhaca ah ayaa arrinta cirka ku shareeray. Kaas oo lagu sheegay in Suxufiga rugcadaaga ah ee Sucuudiga u dhashay lagu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga shirqool kaas oo ay ka qayb qaateen ciidamada Sacuudiga ee sida gaarka ah u tababaran, kuwaas oo maydkii meesha ka saaray.


Qunsuliyadda Sucuudiga ayaa si wayn u beenisay arintaas, ayadoo sheegtay in Mr Khashoggi uu dhismaha qunsuliyadda ka baxay talaadadii.

Waxayna gudaha qunsuliyadda kusoo dhaweeyeen kaamarooyin waawayn si ay u muujiyaan in Mr Khashoggi aanu ku jirin gudaha dhismaha.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo hadal ka jeediyey magaalada Ankara, ayaa u muuqday mid taxaddar dheeri ah muujinayey.

"Jamal Khashoggi waxa uu ahaa qodax ku taagan xukuumadda Sacuudiga, asagoo dhaliilay dhaqankeeda kadhanka ah mucaaradka iyo ku lug lahaanshaha dagaalka Yemen. Haddii ay caddaato dhimashadiisu, waxay xumaynaysaa oo uga sii daraysaa xiriirka Turkiga iyo Sucuudiga. Waxayna ku khasbi kartaa xukuumadaha London, Washington iyo kuwa kale ee reer galbeed ah in ay dib uga fiirsadaan jacaylka ay u qabaan dhaxal sugaha Sucuudiga Mohamed bin Salman. Sawirka cusub ee Sucuudigu ma noqon doono mid isbaddal xambaarsan ee wuxuu noqon doonaa dal shirqool dil ka gaystay ciid dal ajanabi ah”. Ayuu ydhi Erdogan

sikastaba ha ahaatee dowladda turkiga ayaa balan qaaday iney wadi doonto baarinaada la xiriira dilka wariyaha sacuudiga iyadoo haatan uu tuhun xoogan uu soogalay safaarada sacuudiga ee dalka turkiga.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.