Monday, July 22, 2019

Shil sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Duleedka Berbera

0
Tuesday May 07, 2019 - 16:42:35 in Wararka by Mowliid Karaama
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Duleedka Berbera

    Shilkan oo ahaa mid gaari,isla markaana uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada lafaruug iyo Xamaas oo ah duleedka Magalada Barbera gaar ahaan deegaan lagu Magacaabo miridha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shilkan oo ahaa mid gaari,isla markaana uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada lafaruug iyo Xamaas oo ah duleedka Magalada Barbera gaar ahaan deegaan lagu Magacaabo miridha.


Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari Nooca Xamuulka qaada ee loo yaqaano Candho Medlaha iyo Gaari kale oo Bas ah kaas oo rakaab siday.

Inta ka xaqiijiyey ilaa ilaa 6 Ruux oo isugu jira Saddex Rag ah iyo Saddex Haween ah ayaa shilkaasi ku geeriyooday,waxaana sidoo kale jira dad ku dhaawacmay shilkaas oo la geeyey Isbitaalka Magalada Hargeysa.

Gaari nooca Baska ah ee rabaaka siday ayaa la sheegay in uu ka yimid dhinaca Hargeysa,isla markaana uu ku wajahnaa Magalada Burco,hayeeshee Gaariga Candha Medlaha ah uu gadaal uga yimid sidaasina uu shilka ku dhacay.

Si kastaba shilkaan geystay khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca ayaa kusoo aadaya xilli shalay shil sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay duleedka Magalada Hargeysa ee Soomaaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.