Tuesday, October 15, 2019

Xarunta Center For Policy oo kawar bixisay kulankii uu ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Farmaajo ee baaqday

0
Tuesday May 07, 2019 - 16:38:21 in Wararka by
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Center For Policy oo kawar bixisay kulankii uu ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Farmaajo ee baaqday

    Xarunta Center For Policy Alternatives ayaa faah faahin ka bixisay wararka sheegaya in Puntland ay joojiysay kulan uu Madaxweyne Farmaajo ka qeyb geli lahaa,isla markaana ay soo qaban qaabisay Xaruntaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta Center For Policy Alternatives ayaa faah faahin ka bixisay wararka sheegaya in Puntland ay joojiysay kulan uu Madaxweyne Farmaajo ka qeyb geli lahaa,isla markaana ay soo qaban qaabisay Xaruntaas.


War kasoo baxay Xarunta Center For Policy Alternatives ayaa marka hore waxaa raalli-gelin lagu siiyey dadkii lagu wargeliyey in kulankaas inay ka qeyb galaan,waxana sababta uu kulankaas u baaqday lagu sheegay in waqtiga uu ciriiri ku noqday.

"Munaasabadii aan rabney in madaxweyne Farmaajo kula hadlo dadweynaha ee aan wadney qabanqaabadeeda waxay ku baaqatey in waqtiga uu cariiri noqdey madaama isla xaley shirar ka muhiimsan ay u socdaan madaxda Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo madaxda Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banadir , taas ayaa keentey in dib aan u dhigno kulankii xaley balse ma jirto cid kale naga joojisey ayaa lagu yiri War kasoo baxay Xarunta Center For Policy.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in cid kasta oo kulankaasi lagu casuumay ka hor qabsoomidiisa ay waceen kuna wargeliyeen in uu kulankii baaqday,isla markaana sidaasi ay ku ogaadaan.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada iyo warbaahinada qaarkood ay baahinayeen in amar kasoo baxay Madaxda Puntland lagu joojiyey shirkaasi uu xalay Magalada Garoowe uga qeyb geli lahaa Madaxweynaha Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.