Tuesday, October 15, 2019

Madaxweynaha Soomaaliland oo kulan laqaatay wafdi ka socday Dowladda Masar

0
Tuesday May 07, 2019 - 16:35:22 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliland oo kulan laqaatay wafdi ka socday Dowladda Masar

    Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda dalka Masar, Mr. Xamdi Sanad Luza oo booqasho ku tegau Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda dalka Masar, Mr. Xamdi Sanad Luza oo booqasho ku tegau Somaliland.


Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay adkaynta xiriirka Somaliland iyo dalka Masar, taariikhda faca-weyn ee ay wadaagaan,arrimaha ganacsiga, xoolaha iyo kalluunka, waxbarashada iyo isdhex-galka xiriirka labada shacbi.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Masar taageerada ay Somaliland ka siiso waxbarashada gaar ahaan dhinaca macalimiinta u hagarbaxday sidii ay ardayda Somaliland wax u bari lahaayeen.

Waxaana Kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada horumarinta caafimaadka, xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.