Tuesday, October 15, 2019

Shcab badan oo lagu Dilay Gobalka Hiiraan

0
Saturday May 04, 2019 - 11:02:12 in Wararka by
  • Visits: 103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shcab badan oo lagu Dilay Gobalka Hiiraan

    Wararka naga soo gaaraya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in koox hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo maraayay degaanka Kabteedan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in koox hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo maraayay degaanka Kabteedan.


Ugu yaraan 6 ruux oo Afar ka mid ah ay yihiin Carruur ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray Shacabkii Saarnaa gaariga la rasaaseeyay oo ahaa gaari dadweyne.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ku sugan degmada Maxaas koox hubeysan ayaa dadkaasi wadada u galay ka dibna laayay.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay gaareen goobta dadkaasi lagu laayay, waxaana warar qaar ay sheegayaan in dadkaan ay ahaayeen dadka Ehel ah oo loo laayay Aanooyin qabaail.

Kooxdii dilka geysatay ayaa wali gacanta lagu soo dhigin, waxaana maamulka gobolka Hiiraan ay sheegeen in ay waddaan baaritaano.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.