Tuesday, October 15, 2019

Shaqsiyaad ku eedeysan dilkii caaisha ilyaas oo maxkamad lasoo taagat

0
Saturday May 04, 2019 - 10:30:15 in Wararka by
  • Visits: 96
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqsiyaad ku eedeysan dilkii caaisha ilyaas oo maxkamad lasoo taagat

    Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland Maxkamdda Puntland ayaa Saakay goob Fakaaro ah horkeentay 10 eedeysane oo loo heysto in ay ka dambeeyeen dilkii iyo kufsigii Caaisho Ilyaas loogu geystay Magaalada Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland Maxkamdda Puntland ayaa Saakay goob Fakaaro ah horkeentay 10 eedeysane oo loo heysto in ay ka dambeeyeen dilkii iyo kufsigii Caaisho Ilyaas loogu geystay Magaalada Gaalkacyo.


Goobta Dacwadda lagu qaadayay ayaa waxaa ku sugan qeybaha kala duwan ee bulshadda, waxaana 10-ka ruux la sheegay in loo heysto 7 dambi oo ku aadan dilkii iyo Kufsigii Caaisho Ilyaas Aadan oo aheyd gabadh yar oo wali qaangaarin.

Markii ay Maxkamado bilaabatay oo xeerilaalinta ay soo jeediyeen Eedeymaha loo heysto 10-ka ruux ayaa qareenaddii difaacayay ay Codsadeen in la siiyo Waqti ay kusoo diyaarsadaan Difaacooda iyo Cadaymo.

Mid ka mid ah Xeer Ilaaliyaasha Maamulka Puntland ayaa sheegay in Maalinta sabtida ah ee soo socota dib loo furi doono dhageysiga kiiska dacwada ah e loo heysto dadkii ka dambeeyey Kufsiga iyo dilka Caaisha.

Waxa uu sheegay dib loo dhigay Sababo la xariira Codsiga Qareenadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by ILEYS INC.