
Wasiir geele oo kahadlay shir xubna mucaaradsan dowlada ay ku yeesheen Magalada Nairobi
Daahir Mxamud Gelle Wasiirka Wasaarad war faafinta Dowlada Soomaliya oo Magaalada Muqdisho Shir kaga Qeyb gelayay ayaa waxa uu sheegay Mar uu ka hadlayay Shir ka dhacy magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay yeesheen Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ku ah Dowlada .
Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in siyaasiyiinta mucaaradsan Dowlada ay san ku fogaanin mucaarad nimada oo loo bahanyahay in ay ka shaqeeyaan dhisida iyo tayeeynta Dowlada soomaliya,
waxa uu sidoo kale tibaaxay in Dowladda Soomaaliya ay haatan wado isku raadin dadka Soomaaliyeed laakiin mucaaradka ku shiraya dalka dibadiisa looga baahan yahay in aysan orodka ka badin hadii aysan ka tanaasuleyn mucaaradnimada.
Siyaasiyiinta, Xildhibaannada iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ee ku shiray Nairobi ayaa qodobadii ay oo saareen waxaa ka mid ahaa inay qabsan doonaan shirweyne ay ku doonayaan inay kusoo dhisaan xukuumad Cusub ,iyaga oo ku eedeeyey Xukuumadda Soomaaliya inay fashilantay,waxaana badi ay ahaayeen kuwo xilal kasoo qabtay dowladihii hore ee dalka soo maray.